Colaadda Biyaha Niilka (Nile) iyo Saamaynta Geeska Afrika ((Qaybtii 5aad)) Qalinkii: Xassan Cumar Hoorri.
Maalintii Arbacada, 3dii June, afgembi ama inqilaab milateri ayaa ka dhacay dalka Masar, hase ahaatee, Maraykanku uma arko “Afgembi”. Waxaa ay ku af-gobaadsadeen in si degdeg ah dalku ugu noqdo nidaam dimuqraadi ah iyo in talada dib loogu celiyo gacanta shacabka. Waxaa xusid mudan 2009 ciidamada Honduras waxay xukunka ka tureen madaxweynahii iyagoo fulinayay go’aan ka soo fulay maxkamadda sare. Run ahaantii, kaasi ma ahayn “Afgembi Miletari”. Hase ahaatee Maraykanku waxaa uu u arkay “Afgembi”. Sidaa darteed, dimuqraadiyaddu waxay noqonaysa kolba sida uu u dhigo ama u akhriyo Maraykanku!
Amintan, Madaxweyne Mursi waxaa uu ku xidhan yahay goob Allah iyo ciidanku og yahiin. Waxaana lagu soo eedeeyay denbiyo uu ka galay qaranka. Waxaa hubaal ah in aanu ka badbaadi doonin dabinka loo dhigay. Isla maalintii inqilaanku dhacayna waxaa xilka laga xayuubay, maxkamad laga soo eedeeyay, xabsigana loo taxaabay Ra’iisal Wasaarahiisii Maxamed Qandiil.
Baga, mar haddii Mursi iloobay inuu doorashada ku helay tiro isku dhow (51% iyo 49%). Baga, mar haddii uu xusuusan waayay in xisbigiisu 100 sannadood u soo halgamayay talada dalka iyagoo ka soo muttay takoorid, xadhig iyo dil. Baga, mar hadduu qiimayn waayay dhallinyarta iyo shacabka gadooday inay ahaayeen kuwii xukunka xoog uga tuuray Taliskii Xusni Mubaarak iyo in Ikhwaanku talada ku mulkiyeen hogdaloolo iyo debac ka jiray xisbiyada siyaasadeed ee kale.
Haddaba, qormooyinkii hore ee taxanahan, waxaan qalinka ku sii odorosay in ay adag tahay sida Madaxweyne Maxamed Mursi uga nabad-geli karo shirqoolka lagu ridayay kasoo loo mudeeyay 30kii June. Ma badnayn dadka aragtidaa aaminsanaa. Hase yeeshee, Cisaam Al-Xaddaad la-taliyaha Mursi ee nabad-gelyada isuguna maalintii Arbacada 3dii June waxaa uu sii uriyay inqilaab soo fool leh. Waxaa uu ku tiraabay, “si dhab ah si aan taariikhda uga run sheegno waa in aan isla qirno waxa dhacayaa inuu yahay inqilaab miletari.” La-taliyahu waxaa uu ka digay, “dhiigga daadan doona.” Isla maalintaa, goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, madaxweyne Mursi waxaa uu ugu baaqay taageerayashiisa inay ka dhiidhiyaan “afgembi miletari”.
Weedhaha aan soo sheegnay waxaa ay warcelin u ahaayeen markii labo maalmood ka hor. si lama filaan ah, Taliska Sare ee Cidamado 48 saacadood ugu qabteen xoogagga siyaasadeed ee iska soo horjeedaa inay kaga waantoobaan bannaan-baxyada lidka isku ah iyo inay la yimaadaan is-afgarad lagu badbaadin karo dalka.
Saddex saacadood ka hor xilligii loo qabtay, madaxweyne Mursi waxaa uu diiday talo loogu soo jeediyay inuu soo dhiso xukuumad qaran oo loo dhan yahay.
"Intii uu dalka dib ugu celin lahaa maalmahii keli-taliska ee aan kaga badbaadnay talada Allah iyo kacdoonka shacabka, waxaa habboon madaxweynahu inuu ku adkaysto mawqifkiisa isuna taago sida geedka si uu ugu dhinto mabda’iisa," sidaa waxaa yidhi Afhayeenka Madaxweynaha Ayman Cali.
Sidoo kale, Madaxweyne Mursi inta uu soo baraarugay habeen-badh ayuu telifishanka qaranka ka baahiyay farriin dadka dhexdhexaadka ah ay u arkeen inuu is madax-maray. Madaxweynahu waxaa uu ku tiraabay, “ naftayda ayaan u hibeeyay, waana qiimaha ugu yare ee aan ku badbaadinayo sharciyadda dalka."
Dhinaca kale, afhayeenka rasmiga ah ee xisbiga Ikhwaan Al Muslimiin ayaa sheegay in taageerayaashoodu ku jihaadi doonaan sidii ay u difaaci lahaayeen sharciyadda Madaxweynaha.
Hase ahaatee, hoggaamiyaha ciidanka, isla markaana ah, wasiirka gaashaan-dhigga Janaraal Cabdul Fattaax al-Sisi waxaa uu shirar kala duwan la yeeshay Maxamed Al-Baraadici oo ay soo wakiisheen ururada siyaasadeed iyo kuwo bulsho, iyo hoggaannada diinta Islaamka iyo Masiixiyiinta. Sidoo kale, waxaa uu tixgelin weyn siiyay ururada Islaamiga ah ee aan la aragtida ahayn Ikwaan Al- Muslimiin.
Jananka Cabdul Fattaax Sisi's oo dhowaan madaxweyne Mursi xilka u magacaabay ayaa loo arkaa ninka Mursi afka ciidda u daray. Waxaa Jananka loo tirinayay ninka hoggaaminta ciidanka ugu jira Ikhwaanka, balse waxaa uu noqday nin aan ku qancayn wax ka hooseeya inuu si dadbna dalka u xukumo taasoo dhaqan u ahayd raggii xilkan uga horreeyay.
Sidaa darteed, Taliska Milteriga waxaa uu soo saaray bayaan uu xilka kaga qaaday madaxweynaha, isla markaana ku sheegay in doorashooyin madaxweynaha iyo barlamaan lagu qabto xilli gadaal laga soo sheegi doono. Sidoo kale, bayaanku waxaa uu kala dareeriyay barlamaankii dalka, waxaana uu laalay distuurkii.
Daqiiqado ka dib markii uu soo baxay bayaanku bogga madaxweyne Mursi ee Twitter waxaa lagu qoray inqilaabka miletari inuu yahay “mid qorshaysnaa oo uu ka soo horjeedo muwaadin kasta oo xor ah.”
Sida uu sheegay Jihaad Al- Xaddaad, afhayeenka Ikhwaan Al- muslimiin isla markiiba waxaa katiinad lagu jebiyay madaxweynaha iyo 12 gacan-yare oo ku sugnaa qasriga madaxtooyo. Isla markaa, waxaa si ku meel gaadh ah, xilka Madaxweyne loogu dhaariya Garyaqaan Cadli Mansuur, Guddoomiyahii Maxkamadda Distuuriga, ninkaas oo Mursi ay ahaayeen col daahood go’ay.
Waxaa kale oo xabsiga loo taxaabay ilaa 300 oo ka tirsan madaxda Ikhwaanka. Sidoo kale, waxa irridaha loo laabay dhammaan warbaahintii xisbiga iyada oo hawl-wadeenadii ka shaqayn jiray la qabtay si loogu soo oogo kicin iyo abaabul dhagareed.
Madaxda Ikhwan Al- Muslimiin waxaa ka gedmay xisaabtii. Waxaa ka khaldamay taladii lagu maamuli lahaa qaran. Waxaa ka luntay aqoontii lagu xakamayn lahaa dhaqaale sii burburaya ka sokow inta aan lagu hamiyin kobcintiisa. Waxay gabeen dul-qaadkii ay ku soo jiidan lahaayeen xoogagga lidka ku ah. Waxay ahayd in aanay xukunka hororsan ka hor iyagoo aan u gogol-xaadhin siday ku hanan lahaayeen maanka iyo quluubta dadweynaha. Run ahaantii, waxaa ay toosnaayeen waagii hore markii ay sheegeen in aanay soo sharraxayn madaxweyne. Hase ahaatee, xilli danbe, muddo yar doorashada ka hor ayay soo taageen Maxamed Mursi.
Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Tayeb Erdogan, waxaa uu ku la taliyay qunyar-socod iyo in aanay colaad ka kasban miletariga ilaa iyo inta ay ka ilkaysanayaan. Nasiib-darro, durbaba iyaga oo aan go’ keliya jirin ayay isku qaadeen ciidan soo jireen ah oo welfay inay koofiyadda gashadaan cid kasta oo Masar ka talinaysa. Toban sano ayay ku qaadatay Erdogan in uu laciifiyo ciidanka ama inuu u soo janjeedhiyay dhankiisa.
Khaladku dhinaca Ikhwaanka oo keliya kama jiro. Bal malay daadadka aadanaha ah ee ku soo rogmaday Fagaaraha Xorriyadda (miidan al-taxriir) haddii ay xukuumadda ku simi lahaayeen doorashada barlamaanka oo muddo dhow u qorshaysnayd. Malay haddii ay codkooda si xor ah ugu haantiyi lahaayeen aqlabiyadda barlamaanka ka dibna shircigu jidaynayo inuu xukuumadda soo dhiso xisbiga ku guulaysta barlamaanka. Malay mucaaradka oo yeesha guddoomiyaha barlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha oo marka laga eego distuurka aan ka awood yarayn madaxweynaha. Sidaa ayaa xalku ahaa, balse, waxaa laga doorbiday kacdoon, kacaan iyo awrta oo beerka laga raro.
Si kastaba, ha ahaatee, waxaa muuqata colaad ragaaday iyo dagaalo sokeeye oo ku soo fool leh Masar. Ikhwaanku haddii ay ku fashilmeen maamulkii dalka, waxaa hubaal ah in aanay ku fashilayn wiiqidda iyo burburinta xukuumadda la soo yabyabay. Sidaa awgeed, afgembiga Masar waxaa uu ku danbayn doonaa murtidii ahayd; “hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho,”
Dagaalada Somaalidu la galeen Ethiopia 1964, 1977 iyo midka hadda laga qorshaynayo Xamar waxaad ka akhrin doontaa qaybta 6aad ee Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta geeska Afrika.
Xassan Cumar Horri
tixraac @horrimania
No comments:
Post a Comment