
Innan dhalatayeey
mid ayaan leheey
Adoo maxamed iyo
amran saado iyo
indheergaradadii
iska kaa dhaleen
Anigana khadraay
ducadii abtiyo
waanadii adeer
Amaantii kalgacal
iga wada gudoon.
Idinkuna bulshooy
aqbal haw gashee
aamiin u dhaha.
Allahay khadraay
ubad khayr qaboo
la anfaacsadoo
lagu oon baxoo
uurkii sidiyo
aabihii korsaday
istareexisoo
u jajaban hadhaw
duco kuu ajiib.
Aayaha dambana
kaa dhig eebahay
ugubdhawrsanoo
Edeb iyo xishood
ku astaamannoo
asaageed waxdheer.
Illaahay khadraay
gaal eey watoo
isha kugu hayiyo
shar intii leh iyo
abris kaa xoree.
Allaan kuu baryee
innamadi maqnaa
mid u yeedha oo
amarkeedu fullo
kuu sii ilhaam.
Anigana abtiyo
awoow iyo adeer
awoodlahaan baryee
idinkoo dhamaan
isla qooqayooy
kuu adeegayaan
ayaantaa beriya
waa idam allee
indhahayga saar.
aamin aam
No comments:
Post a Comment