dhaleecayn burco 1983 by Mohamad Yassin Mohamad

waa hees ka hadlaysa taariikh dhab ah waxaanan ku sameeyey magalada burco waana tan......
1=hoobaanta dharabka lee dhacadiid ku taaliyo sidaad tahay dhir iyo ubax ama dhool guyaadoo dhulsankii ku faafiyo dhinacyada xuseen xamar casar qoya dhexdiisiyo dhooleey lafaha ceeg laamaha is dhinac yaal ayaad iigu dheertoo mudaan kaa dhursugayoo caashaqa la dhuubtee adiguna dhaleecayn dhakadayga saartee miyay dhiiri gelin iyo wada dhalashadeen tahay 2=markaan dhaayahaagiyo dhabanada hilaaciyo ilkahaaga dhayda ah dhexda madag la moodiyo dhambal qaadka socodkiyo dhugtay laafyahaagaa jacayl ii dhamaadoo waa laygu dheeryee sidii ubad dhalaanoo dhabta saartay hooyoo ama dhabar ku qaadaad qalbigowga dhigantee adiguna dhaleecayn dhakadayga saartee miyay dhiirigelin iyo wada dhalashadeen tahay...............
No comments:
Post a Comment