Thursday, July 4, 2013

Xukuumadda Somaliya Oo Kenya U Dirtay Warqad Cabasho ah Oo Ay Kaga Cabanayso Ciidamadeedu In Ay Ku Lugyeesheen Dagaalka Kismayo

Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ay kaga cabanayso ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Somaliya u diray dowladda dalka Kenya, warqaddan oo lagu tilmaamay qarax siyaasadeed oo soo kala dhexgalay  Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya ayaa waxa ka jooga Somaliya kumanaan ciidamadeeda  ah, oo ka mid ah howgalka Midawga Afrika ee AMISOM, iyaga oo kuwa kenya   ay ka mid yihiin kuwa ku  sugan  gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Koonfurta  Soomaaliya, waxayna dowladda Soomaaliya ku eedeysay inayna   dhexdhexaad ka ahayn xiisadaha ka taagan Kismaayo.
Warqaddan oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliaya ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay ku lug lahaayeen  dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay ku dhinteen ugu yaraan  65-qof oo rayid u badan  sidoo kalena ay  ku dhaawacmeen in kor u dhaafaysa laba boqol oo qof iyo waliba barakac aad u balaadhan oo ay dadku guryahoodii ugaga carareen.
Dubalamaasiiyiinta gobolka iyo kuwa Soomaalida ayaa markii horeba  shaki weyn ka qabay in Kenya ay doonayso inay gudaha Soomaaliya ka sameysato aag aan looga soo gudbin dalkeeda, oo dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah kala kulma Al-shabaab oo ah koox islaamiyiin ah oo ay ciidamadoodu kula dagaalamayaan gudaha somaliya iyo inay hesho madax Somaliya oo u dhago nugul.
Soomaaliya ayaa waxay muddo labaatan sano ka badan ku soo jirtay dagaal sokeeye oo dhibaatooyin badan geystay, ciidamada  AMISOM oo ay qayb ka tahay  Kenya, ayaa waxaa Soomaaliya loogu diray inay dejiyaan oo ay ku soo celiyaan nidaam iyo kala dambayn, in kasta oo ay meelaha qaar guulo ka gaadheen  ayaa hadana waxa muuqata inay hawlo culusi horyaalaaan oo aanu hawlgalkoodu wali wada guulaysan.
Xukuumadda Kenya ayaa waxay dhowr jeer  sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay xiisadaha ka taagan Jubbooyinka, iyadoo sidoo kalena  sheegtay inaanay wax luga ku lahayn dagaalada ka socda kismaayo
Warqaddan dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya u dirtay Kenya ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay ee nooceeda ah, iyadoo dowladdu ay horay u sheegtay inay doonayso in ciidamada Kenya laga bedelo aagga ay kaga sugan yihiin Soomaaliya lana geeyo kuwo isku dhaf ah oo ka socda dalalka ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya.
Ma jirto wax jawaab ah oo ay dowladda Kenya weli ka bixisay warqadda ay u dirtay dowladda Soomaaliya, waxaase jiray in khilaafyo noocan oo kale ahi ay dhowr jeer oo hore u soo dhexgaleen   Soomaaliya iyo Kenya, balse markaa la eego iminka xaalada ka taagan jubooyinka ayaa arrinta ka sii dhigaysa mid aan sahlanayn marka la eego in ciidamo ku jooga magaca AMISOM lagu eedeeyo in ay qayb-ka noqdeen xiisad dagaal.

No comments:

Post a Comment